Somaliland oo Laga Xusay Maalinta Dhir Beerista

0
1128

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa maanta goboladda Somaliland ku qabatay xuska maalinta dhirbeerista Qaranka ee 15 April oo sannad kasta Somaliland laga xuso.

Wasaaradda ayaa munaasibaddo kala duwan ku qabatay goboladda Maroodi-jeex. Togdheer, Sool, Sanaag, Awdal iyo Gebiley, iyada oo goboladdaas lagu qaybiyey dhir kala duwan oo loogu talo galay in lagaga qayb qaato la dagaalanka xaalufinta degaanka.

Wasaaradda ayaa qaar kamid ah dadweynaha magaaladda Burco ku nool u qaybisay dhir gaadhaysa ilaa 8 kun oo geed,kuwaas oo ay wasaaraddu ugu talo gashay in ay dadku beeraan, isla markaana ay kaga qayb qaataan bilijcda gobolka Togdheer, iyada oo uu isu duwaha wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Togdheer uu dadweynaha magaaladda Burco usoo jeediyey in ay beeraan dhirtaas.

Dhinaca kalena wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku qabatay munaasibad lagu xusaayey maalinta dhir beerista qaranka Somaliland ee 15 April oo sannad walba xiligan oo kale la xuso, iyada oo in ka badan 9 kun oo geed lagu qaybiyey xarunta wasaaradaasi ku lee dahay magaaladda Ceerigaabo,dhirtaas oo loogu talo galay in lagu beero gudaha magaaladda Ceerigaabo iyo guud ahaanba gobolka Sanaag.

Munaasibadan maalinta dhir beerista Qaranka ee 15 April ee magaaladda Ceerigaabo ka dhacday waxa kasoo qaybgalay madax kala duwan oo uu hormuud u ahaa isu duwaha wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Maxamed Maxamuud , isaga oo hadal uu halkaas ka jeediyey kaga hadlay muhiimadda maalintan.

Sidoo kale, gobolka Awdal ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayey maalinta Dhirbeerista Qaranka oo sannad walba 15 April laga xuso dalka oo dhan, waxaana munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen madaxda kala duwan ee gobolka Awdal lagu qaybiyey dhir gaadhaysa 100 oo lagu beeraayo wadooyinka laga galo magaaladda Boorama.

Madaxdii munaasibadaas ka hadashay ayaa sheegtay in ay dadweynaha reer Borame u qaybin doonaan dhir badan, si ay u beeraan, isla markaana ay ku daba geli doonaan.

Magaaladda Gebiley ee xarunta gobolka Gebiley ayaa iyadana lagu qabtay munaasibad lagu xusaayey xuska maalinta dhirbeerista Qaranka oo ay kasoo qayb galeen madaxda gobolka Gebiley,waxaana munaasibadan oo hal ku dhig looga dhigay ‘Dhirtu waa nolosheena’ ayaa lagu qaybiyey dhir gaadhaysay 2500 oo geed oo laga beeri doono degmada Gebiley iyo degaamadda hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here