Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Degmada Holhol Ee Gobolka Sool

0
1753

Holhol (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya degmada Holhol ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalkan oo ka dhacay deegaanka Dhabar-dalool ayaa waxaa ay wararku intaasi ku darayaan in dagaalkani uu u dhexeeyo laba beelood oo halkaasi wada dega.

 Sidoo kale, waxaa ay la sheegayaa in ku dhowaad 10 ruux ay dhinteen dagaalkan iyadoona ay jiraan dad ku dhaawacmay.

Dadkii dhaawacu soo gaadhay ayaa sidoo kale la sheegayaa in lagu dabiibayo Laascaanood iyo Xuddun, waxaana la sheegayaa in badankooda dhaawacoodu aanu aad u cuslayn in kasta oo la sheegayo qaar liita.

Warar aan ka helayno ayaa sheegayaa in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, maamulka gobolka Sool iyo Odayaal dhaqameed ay u baxayaan sidii ay dagaalkan u soo afjari lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here