Maxay Ku Heshiiyeen W.Hawlaha Guud iyo D/Hoose Ee Hargaysa?

0
502

Hargaysa (HP): Waxaa la sheegay in la soo af-jaray khilaaf muddo u dhexeeyay wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland iyo dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa.
Khilaafkaasi oo la xidhiidhay cida sharciyan leh shaqadda dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa.
Heshiiska ay arrintaasi ka gaadheen wasaaradda hawlaha guud iyo dawlada hoose ee Hargaysa, ayaa la sheegay inuu ka odayeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii dhawaan maayarka Hargaysa iyi wasiirka hawlaha guud ay soo kala saareen laba guddi oo ka shaqaynaysa dib u dhiska suuqa Waaheen.
Maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, iyo wasiirka hawlaha guud C/laahi Abokor, oo si wada jira warbaahinta ula hadlay ayaa shaaciyay in khilaafkaasi la dhameeyay.
C/kariin Axmed Mooge, oo nuxurka heshiiskaasi ka warbixinayay ayaa sheegay in la soo gunnaanaday wadahadalo iyo xidhiidh in badan u socday wasaaradda hawlaha guud iyo dawlada hoose ee caasimadda Hargaysa.

DAAWO: Maayar Mooge Oo Heshiiskaasi Ka Hadlaya:

Dhankiisa wasiirka hawlaha guud C/laahi Abokor, ayaa isna sheegay in heshiiskani uu ku yimid isku tanaasul iyo in dhinac looga soo wada jeedsado dib u dhiska suuqa Waaheen.

DAAWO: Wasiir C/laahi Abokor oo heshiiska ka warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here