Saylici Oo Ka Qaygalay Xuska 20-Guurada Geeridii Marxuum Cigaal

0
506

Hargaysa (HP): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey 20-guurada ka soo wareegtay geerida ALLE ha u naxariistee madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.


Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay xafladaasi oo xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayaa ku dheeraaday taariikhdii waafiga ahayd ee marxuumku lahaa, dedaalkii uu soo geliyey qarannimada.
Hal-doornimadiisii, fikirkiisii toolmoonaa iyo sidii uu ugu dhiirraday inuu qaran Aasaaso xilli adkaa oo bulshadu kala qoqobnayd.


Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu marxuumka ku tilmaamay Damal bud-dhige u ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, soona hilaadiyey geeddiga guulaystay ee ay Somaliland kusoo caano maashay.
Geesta kale waxaa xafladaasi xuska ahayd ka soo qayb galay siyaasiyiin caan ka ah Somaliland, wasiirro, aqoon yahano, haween, iyo dadweyne badan.

DAAWO: Hadalkii C/raxmaan Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here