Madaxweyne Biixi Oo Todobaadkan Khudbad U Jeedinaya Baarlamaanka

0
572

Hargaysa (HP): Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta ee todobaadkan kbudbad sannadeedkiisa u jeedin doona labada gole qaran ee Guurtida iyo Wakiilada.

Sidaasina waxaa shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo la hadlayay xildhibaanadii ka soo xaadiray kal-fadhigii 3aad ee golahaasi oo maanta dib u furmay.
Waxaanu guddoomiyuhu ku wargaliyay mudaneyaasha in waraaq qoraal ah oo golaha uga timid madaxtooyadda uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ku dalbanayo inuu Isniinta baarlamaanka khudbad sanadeedkiisa dastuuriga ah u jeedin doono.

Guddoomiyuhu waxaa uu mudanayaasha ku adkeeyeen in maalinta Isniinta ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xaadiraan fadhigaasi wada jirka ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here