Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Shaqo-Gelinta iyo Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilladu?

0
756

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddi hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulan balaadhan la qaateen Wasiirka shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Maxamuud Cali Bile.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada Cabdiràshiid Cagoweyne, ayaa waxaa ku wehelinayay Xildhibaano ka tirsan guddi hoosaadka guddigaasi.

Sidoo kale, kulankan, ayaa waxaa Wasiirka shaqo gelinta ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Axmed Xasan Aw Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaasi.

Kulankan oo saacado badan qaatay islamarkaana ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa guddigu waxaa ay Wasiirka su’aalo ka waydiiyeen Miisaaniyada loo qoondeeyay 2023 wasaaradiisa, shaqada Wasaaradda iyo Dhaqaalaha ka soo gala dhinacyo kala duwan.

Guddiga iyo Wasiirka, ayaa markii uu kulankoodu soo dhamaaday waxaa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta, iyagoona ka warbixiyay waxyaabihii ay kaga wadahadleen kulankooda.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here