Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhoolla-tus Ka Sameeyay Degmada Boocame

0
2006

Boocame (Hargeisa Press) – Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh degmada Boocame ee Gobolka Sool, ayaa halkaasi ka sameeyay Dhoolla-tus Ciidan isla-markaana kormeer ku dhex maray gudaha degmadaasi.

Ciidanka Qaranka oo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyo ay Maalmihii u dambeeyay halkaa ka wadeen Maleeshiyaad taabacsan Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa soo bandhigay Saanaddooda Ciidan, hubka iyo gaadiidkooda dagaalka, taasi oo ah farriin loo dirayo Puntland.

Ciidammada oo uu hoggaaminayey Abaandulaha qaybta 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare Ibraahin Askar, ayaa sidoo kale la kulmay Waxgaradka iyo Odayaasha degmada Boocame.

Waxaanay halkaasi ka sheegeen inay taabacsan yihiin Ciidanka Qaranka iyo Dowladda Somaliland, isla-markaana dhaqdhaqaaqyada Puntland u arkaan faro-gelin iyo daandaansi gardarro ah.

Dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee Boocame, ayaa ka dambeeyay markii Puntland ku hanjabtay dagaal ka dhan ah Somaliland oo Ciidankeedu la wareegeen Degmada Boocame.

Boocame oo Garoowe u jirta 81KM, ayaa ah degmada keliya ee ku sii hadhsanayd gacanta Maamulka Puntland, taasi oo iyadana Somaliland la wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here