Maxay Ka Wadahadleen Wasiir Kaahin iyo Safiirka Ingiriiska Ee Somaliland?

0
1279
Wasiir Maxamed Kaahin iyo Ambassador Lizzia Walker
Wasiir Maxamed Kaahin iyo Ambassador Lizzia Walker

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Ambassador Lizzia Walker oo ay wehelinayeen xubno ka socdey Xafiiska Safiirka ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan, oo ka qabsoomay xarunta wasaarada arrimaha gudaha, ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Ciise Kayd Maxamuud, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo La-taliyaha Wasiirka ee dhinaca Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Somaliland Ambassador Lizzia Walker, ayaa waxaa ay ka wadahadleen xaalada suuqii gudbtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka, ayaana safiirka uga xog waramay xaalada guud ee amniga Somaliland iyo halka uu marayo gurmadkii Suuqa Waaheen ee dhowaan ku gubtey dabkii ka kacay oo ay ku baa’baday hanti aad u badani.

Wasiirka, ayaa safiirka guddoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ku saabsan hidda iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamo kale oo ay ku xardhanyihiin Calanka Somaliland, iyada oo Safiiirku si wayn ugu mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here