Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Guusha Emmanuel Macron

0
1512

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay guushii Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron shalay uu ka gaadhay doorashadii ka qabsoontay dalkiisa ee uu kaga adkaaday Marine Le Pen, oo ah haweeneydii xagjirka ahayd ee la tartamaysay ee midigta fog.Β  .

Madaxweyne Muuse Biixi oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa Emmanuel Macron ku hambalyeeyay guusha uu ka gaadhay doorashada dalkiisa.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland iyo Faransiisku ay yihiin saaxiibo taariikhi ah oo uu ka dhexeeyo Iskaashiga, horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada iyo barwaaqada caalamka.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo isaguna qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland Hambalyaynayso in mar labaad Emmanuel Macron loo doortay Madaxweynaha Faransiiska.

Wasiir Kayd, ayaa qoraalkiisa Hambalyada ku yidhi β€œWaxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Emmanuel Macron oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Faransiiska.”

Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland wuxuu ka hadlay waxay wadaagaan Somaliland iyo Faransiisku β€œSomaliland iyo Faransiisku waxa ay wadaagaan taariikh adag, waxa aynu wadaagnaa qiyamka xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Emmanuel Macron, ayaa kaga adkaaday Marine Le Pen oo ah musharraxa xisbiga midig-fog ee National Rally Party doorasho ku celis ah, isaga oo Macron helay 58.5 boqolkiiba codadka, halka Ms. Le Pen ay heshay 41.5 boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here