Maxay Ka Wadahadleen Madaxda Baanka Dhexe iyo Ururka Sarifleyaashu?

0
490

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxda Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Ururka Sarifleyaasha dalka ee Wadajir, ayaa maanta kulan ku wada yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulanka, ayaa waxaa si weyn loogu gorfeeyey xaaladda suuqa sarrifka, maddaama Baanka Dhexe Somaliland maamulidda iyo jaangoynta heerka sarrifka uu masuul uga yahay bulshada.

Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo suuqa islamarkaana ay door weyn ka qaataan sariflayaashu.

Waxaa uu agaasimuhu ku ammaanay guddida sarriflayaasha inay u hoggaasameen amarro shalay ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, iyagoo sidii ay ahayd u fuliyey.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Sarrifleyaasha ee Wadajir iyo weliba xubno kale oo ka mid ah sarriflayaasha.

Waxaa ay dhammaantood ku dheeraadeen inay la shaqayn doonaan Baanka Dhexe ee Somaliland, iyagoo sidoo kale ku bogaadiyey qaabka uu suuqa u xakameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here