Hargeysa: Dagaal Dhexmaray Ciidamo Ka Wada Tirsan Somaliland

0
1719

Hargeysa (Hargeisa Press)- Inta la xaqiijiyay lix qof, ayaa ku geerigooday isku dhac maanta barriga magaaladda Hargeysa ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Somaliland.

Dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Naaso-hablood ee bariga caasimadda Hargeysa, ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Milateriga, iyo kuwa Booliska.

Isku dhacaasi labada ciidan waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona ilaa lix qof ay ku geeriyoodeen, halka tiro tobaneeyo gaadhaysaana ay ku dhaawacmeen.

Saaka arroortii hore, ayaa agaagarka buurta Naaso-hablood la soo dhoobay ciidamo Boolis ah, waxaana halkaa hore u sii joogay ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay bilawga dagaalkaasi, sidoo kalena xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin dagaalkaasi.

Geesta kale, waxaa jira warar is khilaafsan oo la xidhiidha dagaalkani barriga Hargeysa ku dhexmaray ciidamadan ka wada tirsan kuwa Somaliland.

Waxaana jira warar sheegaya in agagaarka buurta Naaso-hablood xalay lagu dilay Laba Nin oo dadka deegaankaasi ka tirsan, dilkaasi kadibna waxaa halkaa la geeyay ciidamo Boolis ah oo gaadiid hubaysan watay.

Dhacdadaasi ayaana loo sibir saarayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijinin cidda ka danbaysay dilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here