Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Midowga Yurub?

0
1004

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga cadaalada dalka Adam Xaaji Cali Axmed, ayaa waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub Amb Tiina Intelmann.

Kulankan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland la yeeshay Safiirka Midowga Yurub waxaa ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan maxkamada sare ee dalka.

Ujeedada kulanka ay Safiiradu ku soo booqatay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa waxaa uu daaranaa is-xog-waraysi ku qotoma xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Waxaa kale oo kulanka lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wanaagsan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka iyo Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here