Xaaska Mo Faarax oo Ka Hadashay Taariikhda Cusub Ee Odaygeeda

0
1645

London (Hargeisa Press) – Xaaska Orodyahanka Caalamiga ah ee Mo Faarax, Magaciisa Runta ahina yahay Xuseen Cabdi Kaahin, ayaa ka hadashay Taariikhda Murugada leh ee uu dhawaan shaaca ka qaaday Orodyahanku.

Tania Nell oo ay Xuseen Cabdi Kaahin isguursadeen sannadkii 2009-kii, ayaa sheegtay in Taariikhdaa uu Odaygeedu soo bandhigay tahay mid murugo leh.

Orodyahan Mo Farah, oo hadda 39 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in si sharci-darro ah loogu tahriibiyay Ingiriiska isaga oo wata magaca ilmo kale isaga oo sagaal jir ah, laguna qasbay inuu u adeego gudaha waddankaas Qoyskii Tahriibiyey.

Xaaskiisa Mo Faarax oo Warbaahinta uga warrantay, ayaa sheegtay inay mar walba dareemaysay in Taariikh-nololeedka Mo Faarax wax ka dhiman yihiin, illaa sannadkii 2009-kii oo ay is-guursadeen.

Tania oo ka hadlaysey intii uu socday barnaamijka BBC-du ka diyaarisay Mo Farah, ayaa tidhi, “Mo Faarax markii ugu horeysay waxaan kula kulmay iskuulka, mar walba wuu dhoola cadeyn jiray, waanu ku faraxsanaa inuu nasiib yeesho..” ayay tidhi Tania, waxayna intaa ku dartay inay dareemi jirtay in Taariikhda Odaygeeda wax ka dhex maqan yihiin “Waanu is qabsan jirnay illaa 2009-kii, waayo?  waxaan dareemay inay jiraan qaybo badan oo ka maqan sheekadiisa Nolosha. Dhoolla caddeynta gadaasheeda waxaa jiray wax (qarsoon)..”

Si kastaba ha ahaatee, 39-jirkan, ayaa filimkiisii ​​dhukumentariga ahaa ku sheegay “Dadka intooda badan waxay ii yaqaanaan Mo Farah, laakiin maaha magacayga ama maahan xaqiiqda,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Sheekada dhabta ahi waxay tahay aniga oo ku dhashay Somaliland, anigoo ah Xuseen Cabdi Kaahin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here