Somaliland oo Dalka Ingiriiska Kaga Qayb-gashay Shirka Barwaaqo Sooranka

0
2563

London (Hargeisa Press) – Wefdi ka socda dalka Somaliland, ayaa ka qaybgalay shir lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, kaasoo ay yeesheen wadamada barwaaqo sooranka laysku yidhaahdo.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka qaybgalay shirkaasi.

Xildhibaan Xasan Saleban Dhuxul oo kamida golaha Wakiillada Somaliland, ayaa qayb ka ahaa wefdiga shirka lagu casuumay.

Xildhibaan Laab-saalax, ayaa qoraal uu warbaahinta la wadaagay ku yidhi “Aniga oo ka mid ah xubno metalaya Somaliland, Sharaf ayay ii  ahayd inaan ka qayb galo  shir caalamiya oo kulmiyay Soddon dawladood oo ka mida wadamada ku bahoobay ururka barwaaqa Sooranka( Common wealth countreis) oo ka dhacay  Magaalada Birmingham ee  dalka UK.

Waxa ka soo qayb galay oo shirka si wada jir ah naloogu soo wada casuumay Wasiirkeena arrimaha Dibada Dr Ciise Kayd iyo Adna Aadan.

Shirkaas waxa aanu ku bandhignay sida ay u tahay xaq aan la duudsiyi karin, la dafiri karin, oo cidna aanay dedi karin in Somaliland iyo shacbkeeda lagu ixtiraamo rabitaankooda iyo go’aankooda ah dawlad madaxbannaan” ayuu yidhi Xildhibaan Laab-saalax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here