Maxay Ka Wadahadleen Guddida Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasaddu?

0
1258

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maata kulan xafiiskooda kula qaatay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka.

Kulankaas, ayaa waxay labada dhinac ay kaga wadahadleen siday uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha shaqo ee ka dhaxeeya.

Kulankan, ayaa daba socda kadib markii ay shalay Guddiga Doorashooyinku ay ku dhawaaqeen wakhtiga ay dhacayaan Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo tan tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda.

Guddida Doorashooyinka, ayaa sheegay in ay doorashadaasi halmar wada qabanayaan 13-ka bisha November ee sanadkan.

Guddida Doorashooyinka, ayaa waxaa ayna go’aankooda jadwalka doorashada u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Digreeto uu maanta soo saaray waxaa uu ku cayimay maalinta rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta.

Digreetada madaxtooyada, ayaa daba socota digreeto ay Guddida Doorashooyinku shalay si rasmi ah ugu cayimeen maalinta ay qabsoomyaan doorashooyinku, taasii oo uu madaxwaynuhu faafin rasmi ah ku sameeyay.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa ku tartami doona kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Sidoo kale, waxaa doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doona saddex xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka, ayaa muddo dheer isku hayay arrinta qabsoomida Doorashooyinka, iyadoona ay hada u muuqato inay dhinacyadu heshiis ku yihiin wakhtiga la qabanayo Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here