Golaha Guurtida oo Baaq Kasoo Saaray Dagaal-beeleed Ka Dhacay Gobolka Sanaag

0
537

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay baaq culus ka soo saareen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Xiis ee waqooyiga gobolka Sanaag.

Golaha Guurtida, ayaa waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaasi u dhexeeya beelo walaalo ah.

Dagaalka, ayaa labada beeleed shalay ku dhexmaray deegaanka Xiis ee waqooyiga gobolka Sanaag oo caan ku ah qodista Dahabka iyo Macdanta.

Waxaana dagaalkan u dhexeeya labada beelood ee deegaankaasi wada dega ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Golaha Guurtida, ayaa dalbaday in la joojiyo daadashada dhiiga dadka walaalaha ee wada dega deegaankaasi.

Sidoo kale, waxa ay xuseen in ay ka gole ahaan ay diyaar u yihiin sidii gacan weyn uga geysan lahaayeen joojinta shaqaaqada labadaasi beelood ku dhexmaray degaanka Xiis, oo caan ku ah qodista Macdanta iyo Dahabka.

Waxaa hore u jirtay in degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Sanaag oo ay sidan oo kale shaqaaqooyin uga dhaceen, iyadoona ay qayb ka qaateen xalinteeda guddi ay u saareen golaha Guurtidu oo muddooyin badan u fadhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here