Jabuuti iyo Itoobiya oo Heshiis Kala Saxeexday

0
755

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa ku heshiiyey inay kordhiyaan iskaashigooda ku aaddan isdhaafsiga macluumaadka socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha labada dhinac.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Itoobiya Salamawit Dawit, ayaa kulan la qaadatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Nuux Xasan, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horu-marinta iskaashiga la xidhiidha xakameynta xuduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Labada hay’adood, ayaa is waydaarsaday fikrado ku saabsan muwaadiniinta aan sharciga haysan ee ku sugan Jabuuti, isdhaafsiga xogta socdaalka, ilaalinta xuduudaha, adeegyada dhalashada iyo muwaadiniinta sharci doonka ah ee Jabuuti.

Waxayna ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu ogaanayo daldaloolada la xidhiidha arrintan.

Dowladda Itoobiya, ayaa Saraakiil Sare oo waaxda Socdaalka ah u soo dirtay Jabuuti si ay wax uga qabtaan dhibaato ka taagan muwaadiniin tiro badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi si sharci darro ah ku jooga Jabuuti.

Jabuuti, ayaa qayb ka ah waddamada ay muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ahi ay sharci darro ku joogaan.

Dhawaan ayay ahayd marki doon sidday 66 qof oo tahriibayaal ah oo Itoobiyaan ah kula qallibantay xeebaha dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here