Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Ka Qayb Galka Caleemo Saarka Axmed Madoobe

0
526

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Siyaasiyiinta Somaliland ayaa aragti kala duwan ka qaba in wefti Somaliland ka socdaa ka qayb gallo caleemo saarka madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Waxaana jirta in qaarkood ay soo jeedinayaan in Somaliland ay wefti uga qayb gala u dirto caleemo saarka Axmed Madoobe.

Halka kuwo kale-na ay qabaan in ay denbi tahay in Somaliland siyaasiyiin ka socdaa ay tagaan caleemo saarka madaxweynaha Jubaland.

Siyaasiyiinta arrintaa sida weyn uga soo hor jeedda waxaa ka mida Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu  sheegay in ay khalad weyn ku jiraan siyaasiyinta reer Somaliland ee doonaya in ay ka qayb galaan caleemo saarka madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay ee Jubaland.

Waxaanu tilmaamay in aanay Somaliland ka mid ahayn maamul goboleeyadda Soomaaliya ka jira, isla markaana haddii ay Somaliland caleemo saarka Axmed Madoobe ka qayb gasho ay indhaha caalamka tusayso in aanu gooni isu-taagu ka dhab ahayn Somaliland.

“Kama tirsanin maamul goboleedyadda ay dawladda Muqdisho samaysay. Wax ay inoo qabteena ma jirto, waxyeeladoodda uun maahee.

Kolkaa, maanta iyagoo aynaan ka haynin gobolkaa waanu goosanay ama ina taageeraya, waxbaba aynaan ka helin. Waxaynu u tagnaa waa doqoniimo.

Waanay ku khaldan yihiin kuwa leh waan tegaynaa.  Inagu teena aynu hagaajisano, laakiin taa wax inaga galay ma jiro”ayuu yidhi Maxamed Xaashi oo maanta Hargaysa ugu waramay Somali Cable TV.

Geesta kale Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa tilmaamay in sababta ay siyaasiyiinta Somaliland u doonayaan in caleemo saarka Axmed Madoobe laga qayb gallo ay tahay khilaafka u dhexeeya maamulka Jubaland iyo dawladda Muqdisho.

Hase yeeshee Eng. Maxamed Xaashi, ayaa ku dooday in ay heshiin karaan xukuumadda Muqdisho iyo Jubaland, markaas kadibna ay taasi ceeb weyn ku noqon doonto  Somaliland.

Waxaanu yidhi “Sababtu waa Xamar bay is hayaan. Beri way heshiin karaan. Markay heshiiyaan maxaad soo baxaysaa adigu. Kolkaa waa inagu ceeb, waxaanan qabaa in ay khalad weyn ku jiraan, dadka halkaa u dabal-degaya in ay tagaan. Waxaanan u qabaa in ay dad aad u khaldan yihiin”.

Dhinaca kale Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo la waydiiyay in maadaama oo ay Somaliland ictiraaf ka muddo ka raadinaysay caalamka, isla markaana ay wadahadalo dariiqa loogu xaadhayo sidii ay Soomaaliya Somaliland u aqoonsan lahayd.

Saamaynta ay arrimahan hadda taagan ku keeni karaan wadahadalkii iyo siday wax uga bedeli karaan indhaha beesha caalamka ee ku aadan Somaliland waxa uu sheegay in taasi ay indhaha beesha caalamka tusayso in aanu Somaliland ka dhab ahayn gooni isutaagu.

“Horta dadkii waynu jaha-wareerinay. Wahadalkii ayay ka bilaabantay dhibaatadeenu, la yidhi aynu Soomaaliya wadahadalno. Soomaaliya intii lagu heshiiyayna may rumaynin.

Marka aynu Soomaaliya wadahadlayno, waxay dadkii ka dhaadhicinayaan in aanay inaga dhab ahayn goosashadu, ee in waan-waani jirto, ayay Soomaaliya gelinaysaa caalamka. Caalamkiina waa kaa inaga dhego-adaygaya”ayuu Eng. Maxamed Xaashi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Tan imika oo kale iyo wahadaladii iyo kuwa yidhaahda waa in wadahadaladii la bilaabo, caalamka waxay gelinayaan fikir ah, weli lama kala gu’in, ee waan-waan baa jirta. Kolkaa waxani waxyeelo ayuunbay inoo leedahay, wax waxtar ah oo ay inoo leedahay ma jirto”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here