“Shan sanadood ayaan ku hawlanaa in guri loo dhiso SOS Centre Burco welina laguma”…

0
712

Burco (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi),  ayaa ugu  baaqay xukuumadda Somaliland in ay xarun u dhisto caruurta aan waalidka lahayn ee SOS Centre Burco, kuwaasoo guriga ay imika degan yihiin uu kirro yahay.

Xarunta lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidka lahayn ee SOS Centre Burco, waxaa gacanta ku haya xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Waxaanu sheegay xildhibaanku in muddo shan sanadood ka badan uu ku hawlanaa sidii xarun ay leeyihiin loogu dhisi lahaa caruurta derbi jiifka ah, isla markaana uu kala hadlay arrintaasi madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha hadda Muuse Biixi.

Xubno wasiirro ah oo ka tirsanaa xukuumadii hore iyo kuwo hadda jooga balse aanay weli suurto gelin in caruurta lagu xanaaneeyo xarunta SOS Burco in loo dhiso meel ay iyagu leeyihiin.

Maadaama oo guriga ay imika degan yihiin caruurta aan waalidka lahayn ee  magaaladda Burco uu yahay mid kiro ah, isla markaana balamo badan oo ay madaxdaa kala duwani u qaadeen aanay waxba ka hirgelin.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxa uu sidan ka sheegay hadal ka jeedinayay kadib booqasho ay xarunta SOS Burco maanta ku tegeen masuuliyiin ka socday wasaaradda shaqo gelinta Somaliland.

Waxaana masuuliyiinta ka socday wasaaradda shaqadda waxaa hogaaminaysay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda shaqao gelinta, oo ay wehelinayeen xubno kaloo ka tirsan wasaaradaasi.

Bidhi, oo ka warbixinayay baahida dhinaca guriga ee ay qabaan caruurtaasi iyo dedaalkii uu u galay waxa uu yidhi “Shantii sanadood ee u danbeeyay waxaan ku hawlanaa in ay helaan meel ay leeyihiin. juhdi badan iyo wakhti badan ayaanan geliyay, cid kastana waan kala hadlay.

Haday tahay madaxweynihii hore iyo haday kan imika jooga iyo haday tahay wasiirro fara badan oo xukuumadii hore  ka tirsanaa iyo kuwo imika joogaba.

Runtii dedaalka aan ku bixiyay in ay caruurtani meel helaan, aad buu u dheeraa.  Weli laguma guulaysan in meel loo dhiso”.

“Wasiirka Maaliyadda Sacad, waan uga mahad naqayaa sidii uu u soo dhaweeyay markii aanu u tagnay iyo in uu yidhi waan samaynayaa dayrkii. Laakiin, sanadkan danbe ayaan miisaaniyadda ku darayaa. Sanadka-na in dayrkii la dhiso, ka danbe-na in loo dhiso xaruntii ay degi lahaayeen caruurtani”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa ka mahad celiyay agabka la soo gaadhsiiyay caruurta xaruntaasi ku jirta iyo booqashadda ay ku yimaadeen masuuliyiinta ka socday wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda.

“Waxaan rejaynaynaa in ay aad ugu baahnaayeen, oo ay ku farxeen, oo ay ka faa’iidaysan doonaan caruurtu.qalabkaas fara badan, ee Kubaddaha leh, ee Dharka leh iyo noocyadda kale-ba. Muddo badan ayaanay isticmaali doonaan.

Booqashadan ay xarunta SOS ku yimaadeen agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaaradda shaqo gelinta iyo masuuliyiinta kale ee la socda iyo kuwa heer gobol, waan uga mahad celinayaa booqashadoodda.

Waa markii koowaad ee ay masuuliyiin wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadu booqasho ku yimaadaan xaruntan”.

Sidoo kale masuuliyiintan ka socday wasaaradda shaqo gelinta ayaa xildhibaan Mubaarig Bidhi uga mahad celiyay sida weyn ee uu isaga xil saaray ilaalinta iyo daryeelka caruurta xaruntaasi ku jirta.

Dhinaca kale ururka loo yaqaano ‘Kubadd ii iibi’ oo ay ku bahoobeen xubno qurbe joog ah ayaa caawimo isugu jirtay Dhawr, dirays iyo Kubaddo ugu deeqay xaruntaasi lagu hayo caruurta aan waalidka lahayn.

Waxaana kaalmadaasi ay ururku sheegeen in ay ka soo ururiyeen qurbe joogta  reer Somaliland ee  ku nool dalka Ingiriiska.

Maxamed Cabdi, oo wakiil ka ahaa ururka qurbe joogta ee ‘Kubbadda ii iibi’ ayaa ka warbixiyay dedaalkii ay u galeen soo ururinta agabkaasi ay ku wareejiyeen caruurta ku jirta xaruntaasi.

Waxaanu sheegay in ay soo ururinta kala shaqeeyeen xubno hore xilal uga soo qabtay oo degan dalka Ingiriiska, isla markaana ay goboladda dalkoo dhan ka soo qaybiyeen Kubadaha iyo agabka kale ee ciyaareed.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here