Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Hoggaanka Ururka Solja

0
672

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa kulan soo dhowayn ah la qaatay hoggaanka Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland isku xogwaraysteen.

Wasiirka, ayaa soo dhoweeyey Hogaanka Cusub, iyadoo laga wada hadlay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, guud ahaan Warbaahinta madax banaan iyo Xukuumadda Somaliland.

Waxaanay isla qaateen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo hoggaanka Ururka Suxufiinta ee SOLJA kulamo dambe.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ururka Suxufiinta waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA  Shaafici Maxamed Ibraahim iyo Masuulinta kale ee hogaanka Ururka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here