Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradka oo Gaadhay Xarunta Koomiishanka Ee Magaalada Gabiley

0
1774

Gabiley (Hargeisa Press) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani, ayaa galabta gaadhay xarunta Koomiishanka Doorashooyinka ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Masuuliyiinta ka tirsan xisbiyada mucaaradka, ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay u indho indhayn lahaayeen qaabka ay xarunta koomiishanka doorashooyinka uga socoto tirinta codadka doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka ka qabsoontay 31-kii bisha May.

Markii ay masuuliyiintan ka tirsan xisbiyada mucaaradku ka soo baxeen xarunta Koomiishanka doorashooyinka ee magaaladaasi oo warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkooda.

Waxaanay sidoo kale fariin u direen bulshada magaaladaasi iyagoona ugu baaqay inay is dejiyaan, islamarkaana ay sheegeen la joojiyo wararka been abuurka ah ee lala wadaagayo, waxaanay sheegeen inay wanaagsan u socoto tirinta codadku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here