Antonio Guterres oo Dacwad Ka Gudbiyay Wadamo Ay Soomaaliya Ku Jirto

0
1069
Antonio Guterres
Antonio Guterres

New York (Hargeisa Press) – Soomaaliya iyo wadamo kale oo ku yaala Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa lumin kara xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaana wadamadan lagu leeyahay xuquuqda miisaaniyadda howlgalka ee Qaramada Midoobay oo malaayiin dollar gaadhaysa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa warqad ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka Comoros iyo Sao Tome u diray Volkan Bozkir oo ah madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay shaacisay wakaaladda AP.

Antonio Guterres, ayaa marka hore madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay la wadaagay warqadda uu ku sheegay inay xuquuqdooda cod-bixinta ku waayi doonaan wadamadaasi ee ay ku jirto Soomaaliya.

Lacagta laga rabo Soomaaliya, ayaa gaadhaysa illaa $ 1,443,64, iyada oo kadib heli doonto xuquuqdeeda codbixinta, gaar ahaan wixii ka dambeeya bisha soo socota ee Sebtember.

Dalalka kale ee lagu leeyahay lacagahani, ayaa kala ah, Comoros$ 871,632, Sao Tome and Principe $ 829,888, Iran, $16,251,298 iyo Chat  $29,395.

Qoraalka uu Guterres soo saaray sidoo kale, wuxuu ku sheegay in ay weli wadamadan ka codayn karaan kal-fadhiga hadda socda, balse oo ku eeg bisha Sebtember ee sanadkan.

Geesta kale, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo iyaguna lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda howl-galka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay waayi doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sida lagu sheegay warqadda.

Axdiga Qaramada Midoobay, wuxuu dhigayaa in xubnaha dayntoodu ay leegtahay ama ka badato xaddiga tabaruucaadkooda labadii sano ee ka horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here