Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Looga Yeedhay Xarunta Dembi-baadhista

0
1514

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidammada dambi baadhista Somaliland (C.I.D) ayaa u yeedhay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Axmed Shukri.

Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI ayaa tagay xarunta Ciidammada dambi baadhista, waxaana la waydiinayaa su’aalo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub ayaa la sheegay inuu soo dacweeyay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI.

Masuulka ayaa dhawaan sheegay in xanuun laga helay Xoolo uu Sucuudigu soo celiyey, laakiin Wasiir Siciid ayaa isaguna wakhtigaa Warbaahinta u sheegay inay Tallaabo ka qaadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here