Maamulihii Mashruuca Wadada Berbera Corridor oo Is Casiley

0
1937

Berbera (Hargeisa Press)- Maamulihii mashruuca waddada Berbera Corridor Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) ayaa is casilay.

Is casilaada Maxamuud Cabdi ayaa ka dambaysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiirka horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor, sida ay werisay Warbaahinta Somaliland Chronicle.

Cabashada faragalin ee Wasiir Abokor ayaa la gaadhsiiyey Madaxweyne Muuse Biixi oo ay la socoto soo jeedin ah in uu is casilo.

Madaxweyne Biixi ayaa xilkan u magacaabey Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo ah guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Wasiir Abokor oo ay gundhig u tahay Maamulka Horumarinta Wadooyinka isla markaana mas’uul ka ah shabakada wadooyinka ee Somaliland ayaa laga saaray waaxda fulinta mashruuca ee uu magacaabay madaxweyne Biixi bil ka hor.

Warqadda Madaxweynuhu u diray Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ee ku saabsan samaynta Qaybta Fulinta Mashruuca Waddada Isku xidhka Berbera ma xusin kaalintii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, taa bedelkeed, waxay xustay inay kooxdu si toos ah ugu soo sheegi doonto Madaxweynaha.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Madaxweyne Biixi ayaa lagu soo waramayaa inaanu ku faraxsanayn horumarka ka socda Berbera Corridor halkaasoo 12 kiiloomitir kaliya la dhammaystiray tan iyo markii mashruucu bilaabmay sanad ka hor.

Dhimashada shilalka ayaa wali ah qatar weyn sida uu sheegay Wasiir Abokor in kabadan 200 oo qof ay ku dhinteen shilalka sanadkii lasoo dhaafay.

Shalay, 9 shilal ayaa ka dhacay Somaliland, kuwaas oo mid ka mid ahi uu ku dhintay nolosha Kabtanka ka tirsanaa ciidamada Bilayska.

Su’aalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka iyo Madaxtooyadda si loo caddeeyo iyo horumarka Waddada Berbera ayaan laga jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here