Masjid Dhisme Ka Socday oo Ku Dumay Magaalada Hargeysa

0
3354

Hargeisa (Hargeisa Press) β€” Masjid ku yaala galbeedka magaalada Hargeysa ayaa xalay dumay xili ay shaqo ka socotay.

Masjidka ayaa waxaa la sheegay in uu ku socday dhisme xili ay shaqaale ka shaqeynayeen dhismihiisa abaaro 2 dii habeenimo ee xalay.

Waxaa jira khasaare soo gaadhay shaqaalihii ka shaqaynayay dhismaha Masjidka, iyadoona la sheegay in ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 7 qof oo ka mid ah shaqaalihii ka shaqaynayay dhismaha Masjidka.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa waxa ay gaadheen goobta uu ku soo dumay Masjidka, iyagoo halkaasi ka wada qaaday dadka ku waxyeeloobay dhismaha.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta dhabta ah ee keentay in dhismaha masjidkan uu soo dumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here