Dhoobo-daareed: Madaxweyne Deni Wuxuu Muqdisho U Joogaa Fulinta Danaha Imaaradka

0
1004

Garoowe (Hargeisa Press) — Guddoomiyihii hore ee barlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu fuliyo danaha Imaaraatku ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madaxweyne Deni uma joogo Muqdsiho dano umadda Somaliyeed ama reer Puntland, ee wuxuu halkaas u joogaa  sidii u carqaladayn lahaa heshiiska la gaadhay iyo inuu ilaaliyo danaha Imaaraatka,” ayuu yidhi Dhoobo Daareed.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa marar badan saxaafadda eedayn u marsiiyay madaxweyne Deni lagasoo billaabo markii xilka looga tuuray mooshin ay xildhibaanada Puntland ka keeneen 7 November 2019.

Dhoobo Daareed ayaa saxaafadda hore uga sheegay in Deni uu dhaqaale ku siiyay xildhibaanada in sifo sharci darro ah lagu rido, sidoo kalena uu masuul ka ahaa iska hor imaadkii ka dhacay xarunta barlamaanka Puntland saacaddo kahor inta aan la ridin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here