Maydka Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo Goor-dhawayd Laga Soo Dhoofiyay Dalka Turkiga

0
2525

Istanbul (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariistee waxaa goor-dhawayd magaalada Istanbul ee dalka Turkiga laga soo dhoofiyay Maydka Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala magaalada Istanbul.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray Cisbitaal ku yaala dalka Turkiga, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay.

Maydka Suldaanka ayaana caawa transit ku noqon doona magaalada Jabuuti iyadoona diyaarad kale lagaga soo qadidoono, sidoo kalena maalinta Berito ayaa la keenayaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana isla berito lagu aasi doona magaalada Gabiley.

Sidoo kale, Diyaarada sida maydka suldaanka ayaa waxaa la socda xubno ka mid ah qoyskiisa.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ale ha u naxariistee waxa uu horseed u ahaa Tiirarka Nabadda Somaliland ee ay ku taagan tahay isagoona qayb lixaadle ka soo qaatay dib u dhiska qaranka Somaliland iyo nabadaynta beelaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here