Madaxweynaha Somaliland oo U Safray Dalka Itoobiya

0
1281

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo heer sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kadib martiqaad Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa, ayaa Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ka raacay diyaarad gaara oo uu Raysal Wasaaraha Itoobiya u soo diray weftiga Madaxweynaha Somaliland.

Safarka, ayaa Madaxweynaha waxa ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska  Muuse Ibraahim Selef.

Geesta kale, waxaa weftiga Madaxweynaha Somaliland dalka Itoobiya kaga sii horeeya Wasiirka Wadaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa, ayaa waxaa uu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban.

May be an image of 7 people and dais
May be an image of 3 people
May be an image of 2 people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here