Mareykanka oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya

0
1459

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay danjire cusub u magacaabay Soomaaliya, kaasi oo marka la ansixiyo baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Biden ayaa magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan soo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

André ayaa ka mid ahaa 9 magac oo shalay aqalka cad uu ku dhawaaqay kuwaasi oo badankood safiirro ka noqon doona dalalka qaaradda Africa ku yaalla.

Magacaabistan cusub ayaa imanaysa xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag dhawaanna Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo korarsi labo sano ah u sameeyay dowladda uu mudo xileedkeedu dhamaaday ee hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjiraha cusub da’diisu waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here