Sool: Dagaalka Dhabar-dalool oo Faraha Ka Baxay iyo Ergo Nabadeed oo Lagu Dilay

0
2297

Laascaanood (Hargeisa Press) – Ugu yaraan inta la ogyahay hada 17 ruux ayaa ku dhintay dagaal beeleed saaka dib uga bilaabmay ceel biyood lagu magacaabo Dhabar-dalool, oo ku yaala badhtamaha Xuddun iyo Laascaanood.

Dhaawaca labada dhinac ayaan illaa hada la xaqiijin karin iyadoo dhamaan isbitaalada magaalada Laascaanood iyo Xuddunba ay la tacaalayaan samatabixinta dadka ku dhaawacmay dagaalka.

Dhinaca kale, waxaa dhintay mid ka mid ah dad ergo ah oo isku dayay in ay kala dhex galaan labada beeleed halka laba kalena ay dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku.

Dagaal beeleedkan oo marba marka ka sii dambaysa sii xoogaysanaya ayaa illaa hada waxaa jira waanwaan lagu joojinayo dagaal beeleedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here