Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland oo Ka Hadlay Dagaal Beleedka Degmada Xudun

0
1762

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay dagaal beeleedka ka dhacay degmad Xudun ee gobolka Sool oo dagaal ku dhexmaray laba beelood oo halkaasi wada dega.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaana sidoo kale baaq u diray labadaasi beelood ee dirirtu halkaasi ku dhexmarayso isagoona u soo jeediyay inay dagaalka joojiyaan.

Sidoo kale, guddoomiye Baashe ayaa fariin u diray ciidamada Milateriga Somaliland ee halkaasi ku sugan iyo Madax-dhaqameedka gobolka Sool, waxaanu ugu baaq inay kala dhex galaan labadaasi beelood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here