Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Cabashada Mucaaridka Ee Xubnaha Komishanka

0
542

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaaab sharci ka bixiyay cabasho ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka oo  la xidhiidhay xulista xubnaha komishanka doorashooyinka.

Iyadoo mucaaradku ay ka cawday laba xubnood oo madaxweynaha Somaliland u magacaabay komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub oo hadda hor yaalla golaha wakiilada.

Waxaanu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi in xubnihii ay u soo gudbiyeen xisbiyada iyo Guurtidu in aanu midna faro gelin, isla markaana uu magcaabay xubnihii sharcigu u jideeyay.

Loona wada gudbiyay hay’addii qaranka uga masuulka ahayd in ay kala shaandhayso oo ay soo baadho oo ah golaha wakiiladda Somaliland oo awood dasrtuuriya u leh in ay diidaan ama ansixiyaan.

Waxaanu tilmaamay in xubnihii ay u soo gudbiyeen guurtida iyo xisbiyada mucaaridku midna in aanu ku faro gelin, isla markaana hawshaas ay leeyihiin golaha wakiiladu.

Waxaanu yidhi “Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyay, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay.

Iya-na kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay.

Haddii aan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray”.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibad shalay lagu xusayay maalinta cuntada adduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta beerah Somaliland.

Taasoo ay ka soo qayb galeen beeralayda dalka o isaga kala yimid gobolada dalka oo dhan kuna soo bandhigay wax-soo-saarka ay tabcadeen iyo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda.

Geesta kale madaxweynha ayaa jawaab sharci ka bixyay cabasho xisbiyada mucaaridku ay ka muujiyeen laba xubnood oo Madaxweynuhu u magacaanay ka mid noqoshada komishanka doorashooyinka qaranka.

“Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi.

Marka dambe-na cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa la keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here