Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Siyaasadda Qaran Ee Shaqo Carbinta

0
565

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Kal-fadhigii 44-aad ee shirka golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta ayaa lagu ansixiyay dhawr xeer halka kuwo kale-na ay dood ka yeesheen.

Shirka maanta oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  lagu ansixiyay siyaasadda qaran ee shaqo carbinta.

Waxaana warbixin lagaga dhegaystay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, iyadoo fadhiyadda danbe loo balamay ansixinta xeerarkaasi.

Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka.

Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here