Madaxweynihii Saddexaad oo lagaga Dhawaaqay Kismaayo

0
526

Kismaayo (Hargeisa Press)- Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa lagu soo waramayaa in garabka mucaaradka u doorteen in uu noqdo madaxweynaha, taasoo ka dhigay in muddo Laba cisho gudahood ah Jubbaland yeelatay ilaa saddex madaxweyne,

Marka laga soo tago doorashadii shalay ee Axmed Madoobe waxaa isna Kismaayo kaga dhawaaqay in uu madaxweyne yahay Cabdirashiid Maxamuud Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan magaalada Kismaayo ka dhacay ayay taageerayaashiisa iyo waliba qaar ka mid ah musharixiintii Isbadal Doonka waxaa ay kaga dhawaaqeen in Cabdinaasir Seeraar yahay madaxweyne Jubbaland, waxaana muuqata in garabkii mucaaradka ee musharixiintii Isbadalka Doonka hadda laba garab u sii qeybsameen.

Kismaayo ayaa u muuqata in ay cagaha galisay khilaaf siyaasaded oo xoog leh, waxaana arintan u eeg tahay sanadkii 2013 oo Jubbaland yeelatay ilaa shan Madaxweyne oo iskood isku caleemo saaray.

Hargeisa Press.com/Kismaayo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here