Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacabka Iyo Ehelada Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

0
775
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Boorama maanta oo ay taariikhdu tahay

25/10/2016.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta muxtarimka ah ee dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbigaΒ  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Β Β Β  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here