Madaxweyne Obama Ayeeydii oo Ballanqaad Cajiib ah u Samaysay Marka uu Booqashada ku Tago Kenya

0
906

NAIROBI, (HargeisaPress) β€” Haweenay ayeey awoow u ah Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa ballanqaaday inay u samayn doonto cunto-dhaqameed kala duwan marka uu booqashada ku tagay dalka Kenya bishan July ee 2015.

Islaantan ayeyda u ah madaxweynaha Maraykanka oo la yidhaah Mama Sarah, ayaa saxaafadda u sheegay inay aad ugu faraxsan tahay in wiilkeedu safar shaqo ku tago dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi dhammaadka bishan lagu jiro ee July.

β€œMarka laga hadlayo dhinaca cuntada, waxa aan u diyaarin doonaa Barack Obama cunto cajiib ah marka uu yimaad Kenya, iyadoo aan u diyaarin doono dhammaanba cuntooyinka dhaqanka ee aan heli karo, gaar ahaan kalluun, digaag iyo cuntooyin kala duwan oo laga sameeyo galayda ama hadhuudhka (maize), ayey tidhi Maha Sarah oo la hadashay saxaafadda Kenya oo HargeisaPress.com soo xigtay.

β€œWaxba ma laha haddii uu Barack Obama yahay mudane ama madaxweyne, wax saamayn ah taasi iima laha, laakiin waa wiilka aan ayeyda u ahay oo waa wiilkaygii, si fiican ayaan isaga iyo qoyskiisaba u casuumi doonaa, raashin fiicana waan u karin doonaa,” ayey tidhi Mama Sarah oo safar ku joogta magaalada Nairobi, iyadoo ka tagtay degaanka la yidhaah Kogelo oo ku yaal galbeedka dalka Kenya, halkaasoo sidii kale ay ku nool yihiin xubno badan oo ka mid ah qoyska madaxweynaha Maraykanka.

Haweenayda la yidhaah Mama Sarah oo magaceeda saxda ahna yahay Sarah Onyango Obama, waxa ay ahayd xaaska saddexaad ee madaxweyne Obama Awoowgii aabo, balse ilaa hadda waa uu Obama ugu yeedhaa ayeeyo, isagoo dhawr jeer la hadlay, horena kulan ula yeeshay, balse ilaa hadda lama oga inuu aqbali doono dalabka ay u soo jeedisay ee la xidhiidha inuu safar ku tago tuulada ay ku nooshahay ee Kogelo si uu u soo arko xabaasha aabihii oo halkaas ku aasan, isla markaana ula kulmo xubno qoyskiisa ka mid ah.

Madaxweynaha Maraykanka aabihii oo la odhan jiray Hussein Obama, ayaa ku dhashay dalka Kenya, isagoo markii dambe waxbarasho u tagay Maraykanka oo uu ku guursaday haweenay caddaan ah oo noqotay madaxweyne Obama hooyadii.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here