Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Saraakiil Ciidan

0
1088

Darar-weyne (Hargeisa Press.com):Β  Madaxweyne ku xigeenkaΒ  SomalilandΒ  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar u soo xidhay ducfadii lixaad ee saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenka ciidamadda kala duwan ee ka qalinjabiyay kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdillaahi Askar.

Sidoo kaleΒ Β  kuliyadda saraakiil ku xigeenka ee Haragwaafi ee akaadamiyadda ciidanka qaranka ee Dararweyne.

Munaasibad si ballaadhan loo soo agaasimay oo loo qabtay saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenka dhammaystay tababarka oo ka kala tirsanaa ciidamada kala duwan ee Somaliland,ayay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku –xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,wasiirka boosaha iyo tiknoolajiyadda Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil.

WasiirΒ  ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Eng Xuseen Ibraahin Xasan Buuni.Abbaanduulaha koobaad ee ciidanka qaranka sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf, taliye ku xigeenka ciidanka booliska sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle saraakiisha ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu horeyn goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday kaalinta mihiimka ah ee ay ciidamaddu kaga jiraan dhismaha qaranka.

WaxaanuΒ  yidhiΒ  β€œTaliyaha ciidanka qaranka iyo saraakiishiisa kale ee abaanduulayaasha ah, iyo ciidamadda kale duwan ee halkan fadhiya iyo taliyayaashooda, oo dhab ahaantii u tafaxaytay sidii loo tayeyn lahaa ciidamadeena qaranka ee kala duwan ujeedada laga leeyahayna waxaa weeyaan.

InΒ  la helo ciidan tayo leh, oo hawshii loo igmadday si wanaagsan u qabta, asluub iyo akhlaaqba yeesha, ciidankeena markaan gaar u soo qaado maanta waxaa uu yahay ciidamadda lagu majeerto amase ugu qiimaha badan ee la og yahay, hawshooda inay si wanaagsan u gutaan.

BulshadaΒ  ay la nool yihiina dhaqan wanaagsan kula dhaqma, oo aan dhibaateyn ee u gargaara, waxaana marag iyo markhaati ka ahey deegaankasta oo ay tagaan in ay ku adkaato in laga kaxeeyo ciidanka qaranka Somaliland.

WaxaanayΒ  ku jeclaadaana wax kale maaha, waa dadnimo la dhaqanka wanaagsan iyo sida ay bulshada ula heystaan ee ay ugargaarayaan dadka jilicsan, ciidamadda qaranka asal ahaan waxaa loo sameystay maaha kaliya dagaal uun inay galaan iyo dal inay difaacaan iyo inay wax layaan.”

Saylici oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamayΒ  in ciidamada loo samaysto in ay hawlaha kala duwan ee dalka oo dhan in ay ka qayb qaataan gaar ahaan xilliyada bulsahda ay ciidanka u yihiin ay gacan uga baahan tahay.

β€œHawlaha ay hayaan ee kale waa u gargaarista bulshadooda jilicsan wakhtiyadda abaaraha iyo haddii masiibo kale oo dabiici ahi ay hesho, kuwo u adeega oo Ilmaha yar iyo qofka weyn ee waayeelka ah tunka ku qaada weeyaan.

XilkaΒ  la idiin dhiibay ee la idiin tababaray kuwii si fiican uguta IILLAAHAY ha idinka dhigo, ujeedada tababarkanina waxaa ay tahay in marka qofkii weynaa meesha ka baxo qof khibradiisi leh oo bedela si aan loo waayin.

NinkastooΒ  darajo heysta oo aan tababar hore soo marin in la tababaro oo la siiyo mid maadiya, mid diiniya, iyo mid jidh dhis ahba inuu helo waa mid naga go’an dhab ahaantii ka xukuumadd ahaan waana mid socon doonta, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan meelkasta oo ay joogaan”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Abbaanduulaha ciidanka qaranka sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf, ayaa tilmaamay in ciidamada kala duwan ee Somaliland marka ay tababar wada qaataan ee ay aqoonta ciidan wada bartaan in ay wada shaqayn karayaan isla markaana taasi ay wax weyn ka tarayso in ciidamada kala duwan ee Somaliland in ay waajibkooda wada gudan karaan.

Waxaanu yidhi β€œMudane madaxweyne ku xigeen idinkama baahna faahfaahin badan laakiin waxaa jiray tababarro hore oo noocan oo kale ah oo aanu qaadanay oo ciidamadda qaranka lagu hoggaamiyo, oo halkan ka baxay aqoontii iyo tababaradii ay qaateen ee macalimiintu u dhigayeena waxay ka muuqatay goobihii dagaalka.

WaxayΒ  ka muuqatay la dhaqankii lala dhaqmayay bulshadda goobta joogta, waxay ka muuqatay in askarigeenu yahay mid akhlaaqiyaad leh oo aan dadka boobin, oo dadka maatida ah kiciya oo gacan qabta oo aan iska layn cidna kufsanin sideedaba ciidankeenu waxaasi ma yaqaano”.

β€œIntaΒ  maanta baxaysana ugama baqeyno inay halkii kor uga sii qaadan mooyaane inay ciidanka qaranka ceeb u soo hooyaan, haddii mid ka mid ah ciidamadeena kala duwani liico weynu la liiceynaa, si aanay taasi u dhicin ayaynu tababaradda u qaadana oo isku badeli karnaa berito oo nin waliba ta kale uu qaadan karaa, waxaa kaliya ee aan madaxweyne ku xasuusinayaa in tababarkani uu ka muuqan doono kana muuqday ciidamadeena goobkasta oo ay joogaan” sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf.

Sidoo kale madaxa hogaanka tababarka sarreeye guuto Axmed Cali ayaa faah faahin ka bixiyay mudada ay tababarka qaadanayeen saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada kala duwan.

WaxaanuΒ  iftiimiyay in saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada tababarka in ay qaadanayeen muddo sagaal bilood ah isla markaana ay xambaarsan yihiin aqoon ay ku hoggaamin karaan ciidamada kala duwan ee ay ka kala tirsan yihiin ee ay u tegayaan.

sarreeye guuto Axmed Cali, oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhiΒ  β€œMunaasibaddan lagu xidhayo dufcadda lixaad ee saraakiisha ciidamada kala duwan, iyo dufcadda afraad ee saraakiil xigeenka, mudada tababarkan loogu tala galay waxaa uu ahaa lix bilood, laakiin duruufo jira awgeed waxa ay ku jireen muddo sagaal bilood ah, waxaana tababarkan ka qayb galay saraakiisha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sida saraakiisha iyo saraakiilku xigeenka ciidanka qaranka, ciidanka booliska, ciidanka difaaca xeebaha, ciidanka ilaaladda madaxtooyadda, iyo ciidanka nabad sugidda qaranka”.

Madaxa hogaanka tababarka sarreeye guuto Axmed Cali ayaa qodob qodob isu dultaagay sida uu tababarkani muhiimka ugu yahay.Β  β€œUjeedada tababarkan ama saraakiishan loo galiyay waxa ay tahay saraakiishii aan fursad u helin inay kuliyadd ciidan ka soo baxaan ay galaan si loo baro dhaqanka sarkaalnimo, in kor loo qaado heerka aqoonta saraakiisha ciidamadda kala duwan, in saraakiisha la baro habka habboon ee hogaaminta colalka.

SarkaalΒ  sarkaal iskama noqdo illaa uu soo maro kulliyad millateri, markaa sidaas ayaa saraakiishii ku soo baxay sarkaalnimadda halkan loo soo mariyaa, waxaana ay barteen mudadii ay halkan ku jireen maaddooyinka kala duwan ee loogu tala galay in askariga sarkaalka ahi ay tahay inuu yaqaano oo ay ugu muhiimsan tahay habka hoggaaminta colalka.

SidaaΒ  darteed saraakiishan tababarka loo xidhayaa waxaa ay ku hubeysan yihiin aqoon ku filan si ay ugu hoggaamiyaan colalka ay madaxda u noqon doonaan haddii ILLAAHAY yidhaaho, sidoo kale sarkaalka in lagu beero habka habboon amase qarsoon si kalsooni ay ku dheehan tahayna inuu colka u hoggaamin karo, saraakiil xigeenadda ka soo baxay Harag-waafi iyaguna waa isla ujeedadaasi, saraakiil xigeenaduna waa xubnaha ugu muhiimsan ee ciidanka”ayuu yidhi Axmed Cali.

Munaasibadan tababarka loogu soo xidhay saraakiisha iyo saraakiil xigeenka shalay qalin jebiyay,ayaa waxaa riwaayad ka hadlaysa waajibaadka ciidanka ku soo bandhigay kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here