Maxaa Ka Jira In Xafiiska Itoobiya Hargaysa Uu Shaqadda Joojiyay?

0
736

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka   arrimaha dibadda  Somaliland  Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa waxba kama jiraan iyo war aan sal iyo raad lahayn ku ku sheegay warar maalmihii u dambeeyay  la isla dhex marayay.

Wararkaasi  oo sheegayay in la xidhay ama ay shaqadii joojisay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland oo ka furan caasimadda Hargeysa.

Waxaanu wasiirku caddeeyay in safaaradda Itoobiya ee Hargaysa in ay sideedii u shaqaynayso oo aanay jirin wax iska bedelay hannaankeedii shaqo.

Waxa  kaloo uu intaa raaciyay in masuuliyiinta safaaradda Itoobiya ee Hargeysa in kulankii ugu dambeeyay shalay ku yeesheen xafiiska wasiirka hawlihii shaqo ee safaaraduna si aan hakad lahayn ay u socdaan.

Wasiir Faratoon  waxa uu tilmaamay in dawladda Itoobiya ay bedeshay wakiilkii hore ee Hargaysa u joogay, isla markaana mid cusub la soo magacaabay. Isagoo beeniyay wararka sheegaya in ay is-taagtay hawshii safaaradda Itobiya ee Hargaysa.

“Wararka suuqa iyo hadalka aan xaqiiqada ahayn ee la iska yidhaahdaa wax micno ah sooma kordhiyaan warka beenta ah ee dadka lagu jaah wareerinayana waxaa fiican in aanay cid walba wax ka dhegaysan.

Safaaradda Itoobiya ee Hargaysa sideedii ayay u shaqaysaa wax iska bedelay iyo hawl iska taagtay midnaba ma  jirto”ayuu yidhi wasiir Faratoon, oo telefoonka kula hadlay wargeyska Dawan.

Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “Safaaradda  dawladda Itoobiya ayaa safiirkii hore ka bedeshay safiir kale na waa loo soo magacaabayaa.

Imika na waxaa shaqadii sii wata ku xigeenkiisii iyo madaxdii kale ee joogtay oo wada jooga dawladuhu na iyaga ayaa madaxdooda bedela laakiin warar aan jirin yaan dadka lagu jaah wareerin ayaan leeyahay.”

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in masuuliyiinta sii wada shaqadda safaaradda Itoobiya Hargaysa uu xafiiskiisa kula kula kulmay.

“Masuuliyiinta ugu sarraysa safaaradda ee imika shaqada sii wada dhammaantood maanta ayaan xafiiskayga kulan kula qaatay hawshooduna si caadi ah ayay ugu socotaa”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here