Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Boorama

0
1256

Boorama (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan magaalada Boorama ee xarrunta gobolka Awdal, ayaa maanta waxaa uu kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Waxaa kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Masuuliyiinta gobolka Awdal.

Madaxwayne ku xigeenka oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, oo halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen masuuliyiinta dowladda ugu jira reer Awdal, ayaa Bulshada ku baraarujinayay inay isdiiwaan-galiyaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa waxaa uu dadwaynaha ku booriyay inay isdiiwaan-galiyaan oo ay ka qayb qaataan doorashooyinka dalka ka qabsoomaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here