Shirweynaha Maamul Daadejinta Waxbarashada Aasaasiga Ah oo Furmay

0
924

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ka furtay Shirweynaha Maamul Daadejinta Waxbarashada aasaasiga ah.

Shirkan, ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiiradda wasaaradaha Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Hay’adda Shaqaalaha dowladda, Garyaqaanka guud ee qaranka, Dr. Edna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa iyaguna shirkan ka qayb galay Guddoomiyeyaasha 23ka degmo doorasho, Guddoomiyeyaasha Waxabarashada ee gobollada dalka iyo Maayaradda dowladaha hoos ee dalka.

Shirkan, ayaa waxaa ugu horayn ka warbixiyay oo khudbad qoto dheer ka jeediyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Wasiiradda wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Ahmed iyo Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Maayaradda kala duwan ee dalka Dr. Edna Aadan Ismaaciil iyo Agaasimeyaasha Guud oo dhamaantood hadal ka jeediyay shirka, ayaa waxaa ay bogaadiyeen doorka muhiimka ah ee wasaaradda waxbarashadu kagaysatay daadajinta adeegyadda waxbarashada.

Waxaa aanay si qoto dheer uga hadleen arrimaha maamul daadajinta, iyagoona sheegay in ay tahay horrumarka dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here