Guddiga Doorashooyinka oo Kulan La Qaatay Laamaha Amniga Dalka

0
2165

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta waxaa ay kulan ballaadhan la qaateen laamaha Amniga Qaranka ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa waxaa ka qayb galay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Wasiirada arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan.

Kulankan, ayaa waxaa intii uu socday lagu falanqeeyey arrimaha amniga guud ee Qaranka muddada ay socoto Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha ee ka bilaabmaysa guud ahaan Somaliland 28/December/2022.

Hase yeeshee, Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa hore kulan ula qaatay Hoggaanka Axsaabta Qaranka iyo Madaxda Urur Siyaasadeedyada, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka dalka oo dhammaadka bishan ka qabsoomaysa dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey qoraal ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka, ayaa xeer Madaxweyne ku muddeeyay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu dalka ka billaabmi doonto 28-ka bishan December 2022.

Diiwaangelinta Codbixiyeaasha oo muddo Hal Bil ah ka socon doonta dalka, ayaa loogu talo-galay inay ka faa’idaystaan Da’yarta qaan-gaadhay wixii ka dambeeyey diiwaangelintii hore, Dadka aan fursadda u helin diiwaangelintii hore, Dadka ay ka lumeen kaadhadhkoodii codbixinta ee hore, Dadkii hore isku diiwaangeliyey laakiin aan qaadan kaadhadhkoodii oo hadda fursad u haysata inay qaataan iyo Dadka goobihii hore ee ay iska diiwaangeliyeen hadda u baahan in laga beddelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here