Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Marxuum Sheekh C/laahi Muuse Diiriye Oo Boorama Lagu Aasay

0
836

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaaladda Boorama ka qyb galay aaska marxuum/sheekh C/laahi Muuse Diiriye, oo ka mid ahaa culimadda aadka looga yaqaano gobolka Awdal.

Marxuum sheekh C/laahi Muuse Diiriye, ayaa muddo ku siman 40 sanadood waxa uu imam ka ahaa masjid jaamacadda magaaladda Boorama.

Waxaana aaska sheekha ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, maamulka gobolka Awdal iyo ka degmadda Boorama, culimad-diin iyo dadweyne kale.

Sheekh C/laahi Muuse Diiriye, ayaa sidoo kale ka mid ahaa culimaddii sida weyn uga soo qayb qaatay barista diinta islaamka ee bulshadda Awdal muddo aad u dheer.

Halkan ka Daawo Aaska Sheekha iyo Masuuliyiintii Taariikhdiisa ka Sheekeeyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here