Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska Oo Soo Kormeeray Suuqyadda Hargaysa

0
1155

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo taliyaha ciidamadda booliska ayaa  galabta soo kormeeray qaybaha kala duwan ee suuqyadda ganacsiga caasimadda Hargaysa oo maalmahan mashquul aad u weyni ka jiro.

Waxaanay taliyaha iyo wasiirku dhex mushaaxeen suuqa ugu weyn Hargaysa ee Waaheen iyo Gobanimo, kuwaasoo ay ka dukaamaysanayeen kumanaan dadweyne ah oo u diyaar garoobaya munaasibadda oo maalmo inaga xigaan.

Iyadoo sida caadiga ah marka ay soo dhawaadaan ciidaha Sakaatul Fidriga iyo Carafadda ciidamo tiro oo boolis ah ay ka hawl galaan suuqyadda si ay u ilaaliyaan amaanka dadweynaha wax iibsanaya iyo ka meheradaha ganacsiga.

Sareeye gaas C/laahi Fadal Iimaan, oo weriyeyaasha kula hadlay isagoo dhex lugaynayay suuqa Waaheen ayaa u jeedadda kormeerkoodda ku tilmaamay mid ay ugu kuurgelayaan xaaladda suuqyadda caasimadda.

Taliyaha ayaa fariin u diray derewaladda gaadiidka in ay ka digtoonaadaan maadaadama oo saxmad aad u badan ay ka jirto suuqyadda, isla markaana ay u hogaansamaan awaamiirta wado-marista iyo sharciga nabadgelyadda wadooyinka.

Halkan Ka Daawo Kormeerka Wasiirka iyo Taliyaha Oo Ka Warbixinaya U Jeedadda Kormeerkoodda:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here