Sheekh Cali Warsame Xasan Oo Burco Ku Geeriyooday

0
503

Burco (HP): Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaaladda Burco ku geeriyooday Sheekh Cali Warsame Xasan, oo ka mid ahaa culimadda ugu caansan dhulka Soomaalida.
Sheikh Cali Warsame, ayaa taariikh weyn ku dhex lahaa bulshadda Soomaalida, isagoona muddo dheer ku soo jiray hawlaha faafinta dacwadda diinta islaamka.
Waxaanu Sheekh Cali Warsame, ahaa guddoomiyihii u horeeyay ee ururkii Al-itixaad ee dalka Soomaaliya laga dhawaaqay 1991-kii.
Geerida Sheekh Cali Warsame, waxaa dhambaalo tacsi ah ka diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo marxuumka ku sifeeyay caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka ba muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumanaan Culimo ahi.
TACSI MADAXWEYNE: 28/05/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 28/05/2022, Dalka Urdun
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka, muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumanaan Culimo ahi, isagoo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here