Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Xarumo Dawladeed iyo Talisyo Ciidan

0
502

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mida xarumaha iyo Laamaha dawladda ee magaaladda Hargaysa.
Meelaha uu madaxweynuhu soo kormeeray waxaa ka mid ahaa Taliska Ciidanka Dam-demiska, Taliska Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Haayadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.


Waxaana Madaxweynaha kormeerka ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday Taliska guud ee Ciidanka Dam-demiska, waxaana halkaasi uu Salaan kaga qaatay Kutub ka tirsan Ciidanka Dam-demiska.
Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hannaankooda shaqo ee Ciidanku u hayaan Bulshada Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa iyo qaabka ay uga hawl galaan marka ay dhacdo khatarta Dabku.
Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayaa Ciidanka Dam-demiska uga mahadceliyey hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan.

Waxaanu madaxweynuhu ciidanka Dam-demiska kula dardaarmay inay aqoontaasi ka dhaxlaan, loogana baahan yahay in la dhiso Dam-demis qaranka oo dhan anfaca.
Sidoo kale madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland ayaa Kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu halkaasi Madaxweynuhu salaan kaga qaatay qaar kamida Cutubtyada Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha, waxaana Madaxweynaha warbixin waafiya siiyey Taliyaha Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Sareeye Guuto Dayin Cismaan Caalin.

Waxa uu Madaxweynuhu Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland uga mahadnaqay siday ula socdaan cidda waddanka soo gelaysa iyo cidda ka baxaysa.
Geesta kale Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa ayaa booqday Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka halkaasi oo ay kusoo dhaweysay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo ka warbixisay hawlaha ay qaranka u hayso wasaaraddu.
Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha hay’addaasi Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo warbixin ka siiyey shaqada hay’addu qaranka u hayso iyo sida ay u adeegaan Bulshada Somaliland kuwa Ajaanibta ah ee magan-gelyada ku jooga waddanka.
DAAWO: Muuqaaladda Guud Ee Kormeerka Madaxweyne MBC:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here