Pharo Foundation Oo Caawimo Ku Wareejisay Guddiga Abaaraha Somaliland

0
608

Hargaysa (HP): Haayadda caalamiga ah ee Pharo Foundation ayaa caawimo biyood ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha qaranka ee Somaliland.

Waxaana caawimadaasi biyaha ah haayadda Pharo Foundation kala wareegay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha guddida heer Qaran ee Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Iyadoona ay madaxweyne ku xigeenka la wareegida kaalmadaasi ku wehelinayeen xubno ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha qaranka.
Caawimadani ay haayadda Pharo Foundation ku wareejisay guddiga abaaraha Somaliland ayaa dhan 1,000 booyadood oo biyo ah oo ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here