Madaxweynaha Somaliland Oo Xaflad Sagootina U Sameeyay 380 Arday Oo Waxbarasho Dibadeed Ugu Baxaya Itoobiya

0
1377

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta munaasibad sagootin ah xarunta madaxtooyadda ugu sameeyay 380 arday oo deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helay dalka Itoobiya.

Waxaana xafladaasi soo qayb galayΒ  madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ku-xigeenkiisaΒ  Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Dhego-weyne).

GuddoomiyahaΒ  jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamed Yuusuf Muuse,Β  xubno ka mid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka tirsan bahda waxbarashada iyo sidoo kaleΒ  ardayda deeqda waxbarasho ku guulaysatay, waalidiintooda iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ardaydan deeqda waxbarasho u tegay Itoobiya ayaa qaarkood waxay soo qaadanayaan shahaadadda heerka koowaad ee jaamacadda iyo heerka labaad, kuwaasoo ilaa inta ay si rasmiya ula wareegayaan jaamcadaha ay dhigan doonaan kharashkoodda ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

Waxaanay ardaydaaasi oo tiradoodu dhan tahay 380 ay maalmaha soo socda magaaladda Hargaysa ka qaadi doonto diyaarad gaara oo ay dawladda Somaliland u kiraysay.

WasiirkaΒ  waxbarashada iyo Sayniska Prof.Β  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo munaasibadda sagootinta ka hadlayΒ  ayaa tilmaamayΒ  inay dal ahaan hanteen mid ka mid ah deeqihii ugu ballaadhnaa ee abid la siiyo Somaliland.

WaxaanuΒ  sheegay in ayΒ  ahmiyad gaar ah siiyeen ka wasaarad ahaan.Β  WaxaanuΒ  yidhi β€œDeeqdani waa mid muhiim ah oo dalkeennu baahi weyn u qabo, waxana aynnu siinnay muhiimad gaar ah, maadaama oo ay tahay tii ugu baaxadda weynayd ee dalkeennu dibadda ka helo.

SidooΒ  kale waxaannu aaminsan nahay inay tahay tii ugu horraysay ee aynu sideeda uga faa’iidaysan doonno”.

Wasiir Faratoon,Β  waxa uu bulshada u faahfaahiyey hannaankii loo soo xulay ardaydan deeqda waxbarasho helay oo uu ku tilmaamay mid ku salaysnaydΒ  caddaalad iyo sinnaanΒ  dhammaanba gobollada dalka.

β€œSoo xulista waxaanu u raacnay hab caddaalad ku salaysan, waxana aannu ku salaynay qoondo ama saami aannu u qaybinnay dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay,Β  saamigaas oo aanu kuwa dawladda siinnay 70% (boqolkiiba toddobaatan) iyo 30% (boqolkiiba soddon) aannu siinay kuwa gaarka loo leeyahay.

WaxaΒ  kaloo aannu qoondadaas ku salaynay tirada ardayda imtixaanka u fadhiisatay oo gobolaysan, annaga oo sidoo kale ku salaynay derejada deeqda halbeegga looga dhigay oo ah derejada β€˜B’, markii aannu habkaas raacnayna waxa noosoo baxday sida wax loo kala helay” ayuu yidhi wasiir YaasiinΒ Β  Faratoon.

MadaxweyneΒ Β  Muuse Biixi Cabdi,Β  oo hadal ka jeediyay munaasibadda lagu sagootinayey ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka ItoobiyaΒ  ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyay ardayda waxbarashada u baxaysa.

Waxaanu waalidiinta dhalay ku amaanay dedaalkii iyo tacabka ay u hureen. WaxaanuΒ  sharraxay qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo siday lagama maar-maanka ugu tahay horumarka bani’aadamku higsanayo.

Waxaanu yidhi β€œUmmaddu haddii ay doonayso inay horumarto oo ay caafimaad hesho oo ay doonayso inay biyo nadiif ah ah hesho oo ay doonayso inay how wanaagsan hesho oo ay doonayso inay nolo ka wanaagsan ta ay ku jiraan hesho, waxa qudha ee ay ku gaadhi kartaa waa tacliinta.

SidooΒ  kale tacllintu waxay wax ka tartaa horumarka dalka, xagga cilmiga iyo xagga dhaqankaba, waayo qofku marka uu wax barto maskaxdiisii wuu ka shaqaysiinayaa, way ballaadhanaysaa, waxa loo baahan yahay buu arkayaa”.

Waxaanu intaas ku darayΒ  β€œSidooΒ  kale sida uu mujtamacu isu dhexgalo ayey wax ka tartaa, waayo dadka aqoonyahanka ahi way ka gudbaan waxyaalaha xidhxidha ee qabyaaladdu kamid tahay, qofka aqoonyahanka ahina wuu ka gudbaa qoys iyo gobol oo heer qaran buu tagaa, marka dambena aduunka oo dhan buu ka fikiraa, idinkuna halkii ugu sarraysay baad tegaysaan, dalku na wuu idin sugayaa.

XukuumadΒ  ahaan na waxa naga go’an inaanu mustaqbalka dhallinayrada xoog saarno, wixii dedaal ahna intii itaalkayagu yahay aannaan waxba kala hadhin”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Geesta kale ardayda u baxaysa waxbarashadda dibadeedΒ Β  oo isugu jira wiil iyo gabdho ayaa kala tegi doona 14Β Β  jaamacadood oo dalka Itoobiya ku yaalla.

KuwaasooΒ  soo baran doona takhasusyo kala duwan oo ay jaamacadahaasi bixiyaan.

Hargeisa Press

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here