Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka

0
414

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, iyo nabad geliyo ee haatan dalka ka taagan.

Eng. Faysal, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga UCID ee magaaladda Hargaysa, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay gobolka Sool, doorashooyinka, iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay xaaladda gobolka Sool, ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool ama u dhashay gobolkaasi.

Waxaanu sheegay in ay yihiin dad reer Somaliland ah dhul ahaan, iyo maamul ahaanba, isla markaana ay ogaadaan in aanay hal magaalo ama hal gobol aanu maamul goboleed ama dawlad noqon karin.


Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ee qorshaysan in ay sanadkan qabsoomaan, iyo waxyaabaha caqabada ku ah qabsoomida doorashadda.

Waxaanu si gaar ah u soo qaatay xeerka isa saarka doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ururadda siyaasadda, kaasoo hadda hor yaalla golaha Guurtidda.

Guddoomiye Faysal, ayaa ku eedeeyay golaha Guurtida in ay weli golahaasi iska haystaan xeerka isa saarka doorashooyinka, kaasoo ay bulshadu ku nafistay, kadib markii loo arkay inuu soo af-jarayo khilaafkii siyaasadeed.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu dhaliilo u jeediyay madaxweyne Biixi, oo uu ugu baaqay inuu doorashadda wakhtigeedda ku qabto, haddii uu ku qaban waayana in ay mucaarad ahaan tallo kale keeni doonaan.

Waxa kaloo uu Eng. Faysal Cali Waraabe, ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi, inuu fashiliyay qarankii oo wax shaqaynayaaba aanay jirin, dhaqaale ahaan, iyo difaacii ba.

Waxaanu sheegay in iyadoo waxaas oo dhibaatooyin ah ay qaranka haystaan in aanay suurto gelaynin in madaxweyne Biixi, uu kursiga iska sii fadhiyo.


DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here