Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hanbalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Ee 2016-ka

0
800
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

HARGEISA, (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

 

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLAH uga baryayaa inay Sannadka 2016-ka kiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2016-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni.

Β 

 

ALLAA MAHAD LEH

Β 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here