Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shucuubta Islaamka

0
1641

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo u diray guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka Somaliland curashadda sanadka cusub ee islaamka 1441-ka awgeed.

Dhambaalka hambalyadda ah ee uu soo saaray madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay Joogaan.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Waxaanu madaxweynuhu  ILLAAHAY (SWT) uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo.

Inta bukta-na uu ka dul-qaado xannuunka, inta caafimaad qabta-na uu u siyaadiyo, intii dhimatay-na uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Dhambaalka hambalyadda ah ee madaxweyne Muuse Biixi, oo nuqul ka mida uu soo gaadhay shebekadda Hargeisa Press, waxa uu u dhignaa sidan:

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 30/08/2019

DHAMBAAL HAMBALYO AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1441-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaa.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here